Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (JFS), ahna La-taliyaha Sare ee Amniga Xafiiska Raysal Wasaaraha, Mukhtaar Jeyte, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilalkii uu ka hayay dowladda.

Mukhtaar Jeyte oo maanta ka degay magaalada Garoowe, ayaa galabta warbaahinta la hadlay isagoo shaaciyey go’aanka iscasilaaddiisa. Wuxuu sheegay in uu si rasmi ah uga tagay xilalkii uu ka hayay xafiisyada amniga ee dowladda federaalka.

Jeyte ayaa xusay in go’aankiisa uu yahay mid uu si gaar ah uga fiirsaday, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababaha dhabta ah ee ku kalifay inuu xilka ka dego.

Intii uu xilalkaasi hayay, Mukhtaar Jeyte wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee la-tashiga amniga ee dowladda, gaar ahaan dhinacyada la xiriira talo-siinta iyo isku dubaridka arrimaha amniga ee Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Mukhtaar Jeyte ayaa sidoo kale u mahadceliyey madaxda dowladda iyo dhammaan shaqaalaha uu la soo shaqeeyey muddadii uu xilka hayey, isagoo sheegay inuu sii wadi doono u adeegidda dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mukhtaar Jeyte ayaa kamid noqday siyaasiyiinta sida hoose ay u heshiiyeen Madaxweynaha Puntland,isla markaana siyaasadiisa taageeray, isaga oo mar soo noqday Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Puntland ee PISA