Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa oo ka qabsoomay xarunta Akademiyada ee Generaal Kaahiye.

Kulanka waxaa Warbixino la xiriira shaqadooda kasoo jeediyey Saraakiisha Fadhiyada kala ah Ilaalada Xeebaha, Dabdemiska Booliiska, Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir, Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Taliska La-dagaalanka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey kulanka saameynta Amni iyo Dhaqaale ee ay Soomaaliya ku yeelan karto Xaaladda Dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga dhexe , waxaana uu Taliyuhu Saraakiisha faray in si dhow loola socdo isbadalada si looga hortago khatar kasta oo amni.