Ciidamo hor leh ayaa ku biiray ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cusub laga soo sheegayo degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.
Ciidamadan cusub ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyay taageeradooda iyo sida ay uga go’an tahay inay door ka qaataan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Ku biirista ciidamadan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmihii u dambeeyay la arkayay ciidamo ka sii goosanaya maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in tirada ciidamadan isbedelka sameynaya ay sii kordhayso.
Dhaqdhaqaaqyada cusub ee laga dareemayo degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa abuuray hadal-heyn siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo la rumeysan yahay in goosashada ciidamadu ay cadaadis weyn ku keeni karto maamulka hadda jira haddii ay sidaan u sii socoto.
Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in haddii is-beddelladan ciidan ay sii bataan, ay saameyn ku yeelan karaan awoodda iyo xasilloonida maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xilligan ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho ka dhex jira dhinacyada kala duwan.
Illaa iyo hadda, maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah ugama uusan hadlin wararka ku saabsan ciidamadan ku biiraya Badbaadada Koonfur Galbeed, balse xaaladda degmada Qansaxdheere ayaa la sheegay inay weli kacsan tahay, iyadoo la filayo in saacadaha ama maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.






