Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay kulan mahadcelin ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ayaa ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey kulanka mahadcelinta ah ee uu u sameeyey xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka, isagoo ku dheeraaday marxaladihii ay soo mareen howlaha la xiriira in dastuurka dalka la qabyo tiro si uu u noqdo dastuur rasmi ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dastuurka hada uu qabyo tirmay islamarkaana uu noqday mid rasmi ah, wuxuuna hay’adaha fulinta ugu baaqay in la dhaqan geliyo, isagoo carabka ku adkeeyey in qof walba oo kasoo horjeesta dastuurka dalka isla markaana diida uu yahay qof diidan qaranimada Soomaaliya, ayna tahay in loo aqoonsado dembiile.

Waxa uu bogaadiyey guddiga Baarlamaanka labadiisa aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo sidoo kale Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka dadaalkii iyo juhdigii ay geliyeen in dastuurka dalka la dhameystiro, isagoo sidoo kale u mahadceliyey xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo garab istaag weyn u muujiyey dowladooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Baarlamaanka 11-aad uu shaqeynayo ilaa mudada uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo balan qaaday in mudada xilheynta ee Baarlamaankan dib loo dhisi doono xarunta Guriga Umadda si ay ugu shiraan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.