Iskahorimaadka sii xoogeysanaya ee udhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa muujinaya in labada dhinac ay ku shaqeynayaan laba jadwal oo siyaasadeed oo aad u kala duwan, taas oo saameyn ku yeelan karta sida dagaalku u socdo iyo sida uu ku dhammaan karo.
Maamulka madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u baahan natiijo degdeg ah oo muuqata. Guul siyaasadeed oo degdeg ah sida burburinta barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ama in Tehran lagu qasbo inay miiska wada-hadalka timaado waxay u oggolaan kartaa Trump inuu ku doodo in go’aankiisa dagaalka uu sax ahaa.
Iran oo kordhisay duqeymaha ay ka wado Khaliijka; Qaraxyo laga maqlay Doha iyo Baxreyn
Si kastaba ha ahaatee, haddii colaadda ay sii dheeraato oo ay noqoto dagaal jiitama, kharashka siyaasadeed ee arrintan ayaa laga yaabaa inuu ka muuqdo sanduuqa codbixinta, iyadoo ay soo dhow yihiin doorashooyinka dhexe ee Maraykanka. Taariikh ahaan, dagaallada dheer inta badan waxay lumiyaan taageerada dadweynaha marka ay waqti dheer socdaan.
Dhanka kale, Tehran waxay u muuqataa inay leedahay yool ka duwan.
Iiraan guul uma aragto inay si milatari u jabiso Maraykanka. Guiana ay raadinayso waxay noqon kartaa oo kaliya in nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ahi uu sii jiro ilaa ay isbedelaan dabaylaha siyaasadeed ee Washington.
Hoggaanka Iiraan wuxuu si fiican u fahamsan yahay qaabka ay u shaqeeyaan siyaasadda iyo doorashooyinka Maraykanka. Dagaallada daba dheeraada waxay abuuraan cadaadis siyaasadeed, kala qaybsanaan gudaha ah iyo daal ka dhex dhasha codbixiyeyaasha.
Sidaas darteed, istaraatiijiyadda Tehran waxay u muuqataa mid sahlan: inay nuugto weerarrada, si xaddidan uga jawaabto, isla markaana dheereyso colaadda si cadaadiska siyaasadeed ee Washington uu u kordho.
Marka xaaladdan la eego, waqtigu wuxuu u muuqdaa inuu noqday hubka ugu qiimaha badan ee ay Iiraan adeegsan karto.






