Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dastuurka kama-dambaysta ah ee dalka, kaas oo dhigaya in muddada xilka Madaxweynaha ay noqoneyso shan sano, sida ku cad qodobada cusub ee dastuurka. Arrintan waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayn doono illaa bisha May 2027.
Sidoo kale, dastuurka cusub ayaa qeexaya in muddada xilka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka ay noqoneyso shan sano. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka ay Arbacadii ansixiyeen dastuurka cusub, sida uu xalay shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Baarlamaanka 11-aad ee hadda jira ayaa markii hore lagu doortay dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee markaas jiray, waxaana lagu qorsheeyay in muddadiisu noqoto afar sano. Muddadaasi waxay ka bilaabatay maalintii ay Xildhibaannada Labada Aqal dhaarta qaadeen, oo ahayd 14-kii Abriil 2022, waxayna ku ekaan lahayd 14-ka Abriil 2026.
Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeyn doono muddada uu oggolaanayo dastuurka cusub ee la ansixiyay, taas oo ah shan sano.
Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa loo fasiran karaa in Baarlamaanka hadda jira, oo muddo-xileedkiisu gabagabo ku dhow yahay, uu la jaanqaadi doono hirgelinta dastuurkan cusub, inkastoo wax-ka-beddelladiisa ay si weyn u kala qaybiyeen dhinacyada siyaasadda.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo sidoo kale maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa qaadacay dhaqan-galka dastuurka cusub. Doodaha la xiriira kordhinta muddada xilalka ayaa sii xoojiyay khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka.






