Dalalka Khaliijka qaarkood ayaa la sheegay inay ka wada hadlayaan suurtagalnimada dib-u-eegis lagu sameeyo ama xitaa la joojiyo qaar ka mid ah qandaraasyada iyo maalgashiyada ay la leeyihiin Mareykanka, iyadoo tallaabadan loo arko mid ka dhalatay xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.
Warbixin uu daabacay Financial Times ayaa sheegtay in Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Kuwait iyo Qatar ay falanqeynayaan xiriirkooda dhaqaale ee Mareykanka, gaar ahaan heshiisyada waaweyn ee ganacsi iyo maalgashi. Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto culayska dhaqaale iyo midka amni ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Iran iyo xulafada Mareykanka ee gobolka.
Xiisadda sii kordheysa ayaa si weyn u saameysay dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka Khaliijka, iyadoo dalalkan ay doonayaan in ay yareeyaan khatarta dhaqaale ee ka dhalan karta colaadaha sii fidaya. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wadamadaasi ay doonayaan in ay qaadaan tallaabooyin ka tarjumaya in aysan rabin in ay si buuxda ugu lug yeeshaan colaad ay u arkaan mid aan iyaga asal ahaan ka imaan.
Haddii dalalka Khaliijka ay si rasmi ah u qaataan go’aanka dib-u-eegista qandaraasyada Mareykanka, arrintan waxay noqon kartaa cadaadis dhaqaale oo saameyn kara xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale, waxay noqon kartaa fariin siyaasadeed oo muujinaysa in dalalka Carabta ay doonayaan in ay ka dheeraadaan saameynta tooska ah ee colaadaha gobolka.
Khaliijka ayaa muddo dheer ahaa xulafo muhiim ah oo Mareykanka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, tamarta iyo ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, isbeddellada ka socda gobolka iyo khataraha amni ee soo kordhaya ayaa keenaya in dalalkan ay dib u qiimeeyaan qaabka ay u wajahaan iskaashiga dhaqaale iyo midka siyaasadeed.






