Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday Khawaarijta Al-Shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirku wuxuu sheegay in howlgalka lagu guuleystay in la qabto xubno ka tirsan Khawaarijta, isla markaana gacanta lagu dhigay hub aad u badan.
Wasaaradda gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesiyaasha CXD iyo kuwa AUSSOM ee “ Hawlgalka Duufaanta Aamusan” oo qeyb ka ah duulaanka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogantahay kooxda Alshabaab iyadoo mararka qaar halkaasi ka geysata weeraro ay la beegsato ciidanka xoogga dalka iyo kuwa midowga afrika ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.






