Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goor dhow halkaas ay ka dhacday toogasho.
Dilka oo loo geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa geystay sarkaal ka tirsan ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA.
Dilka oo ka dhacay agagaarka Kulliyada Jaale Siyaad ayaa waxay wararku sheegayaan in askariga loo geystay dilka uu Kamid ahaa ciidanka Nabadsugidda islamarkaana uu ka amar qaadanayay isla sarkaalka dilka u geystay iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysa dilka askariga.
Ciidanka Booliiska oo tagay goobta dilka kadib ayaa la sheegayaa inay isku dayayaan inay qabtaan sarkaalka dilka geystay walow aysan wali gacanta ku dhigin.
Magaalada ayaa waxaa kusoo kordhay dilalka ay isku geystaan ciidanka dowladda dhexdooda iyo kuwa ay u geystaan shacabka iyadoo aysan jirin cid isku xil saaraty wax ka qabashada ficilladaan oo ah kuwo had iyo jeer ka dhaca Caasimadda Muqdisho.






