Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in khawaarijta ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xorreeyey, kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada dhexe ah.

Saraakiisha Nabad Sugidda ee howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen khawaarijta.

Maleeshiyada Alshabaab oo muddo dheer dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed ayay iminka u muuqataa in laga soo wada horjeestay isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u jeesteen inay ka xureystaan dalkooda iyagoo kaashanaya ciidamada qalabka sida oo had iyo jeer diyaar u ah inay dalka difaacaan ka sifeeyaan cadawga argagixisada.