Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 4-aad, ayaa saakay waaberigii howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Alanleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku burburiyeen difaacyadii Ururka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay deegaankaasi.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday firxadkii ka haray jabkii hore loogu gaarsiiyay kooxdaasi deegaanka Jabad-Godane, waxaana ciidamada ay cagta mariyeen fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen, iyagoo gaarsiiyay khasaaro xooggan oo dhanka awooddooda ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in howlgallada sifeynta ay weli socdaan, lana baadi-goobayo firxad kasta oo isku dayaya inuu baxsado. Waxa ay sidoo kale xuseen in ciidamada ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Soomaaliya ku ciribtireyso maleeshiyada Al-Shabaab, si shacabka loogu soo celiyo nabad iyo xasillooni buuxda.






