Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray howlgal amni oo ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku dhigeen keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay Al-Shabaab si qarsoodi ah u keydinayeen.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo ballaaran oo horey uga socday gobolka, kuwaas oo lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab, kadib markii dhawaan laga saaray deegaanno muhiim ah. Howlgalka ayaa ka dhashay xog sirdoon oo sugan, taas oo ciidanku ku heleen goob si qarsoodi ah loogu diyaarin jiray miinooyin iyo waxyaabaha qarxa.

Miinooyinkan ayaa Al-Shabaab u adeegsan jireen qalqal gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka, iyaga oo beegsan jiray waddooyinka iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Ciidanka Ururka 161-aad Danab ayaa si buuxda u sugey ammaanka aagga, iyaga oo qaaday tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khatar kasta oo ka imaan karta walxaha qarxa. Waxaa sidoo kale la bilaabay howlgal lagu burburinayo keydka miinooyinka, si waafaqsan habraacyada caalamiga ah ee amniga.

Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa bogaadiyey geesinimada iyo feejignaanta ciidanka, isagoo sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee shacabka Soomaaliyeed.