Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ka hadashay weerar lagu qaaday xilli ay khudbad jeedinaysay, iyadoo sheegtay in haddii aanay ilaalada ammaankeeda goobta joogin, ay iyadu si toos ah uga falcelin lahayd ninkii ku tuuray dareeraha.

“Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa iyaaqan, way ogyihiin inaan dagaal ku fiicanahay,” ayay tiri Ilhaan, iyadoo hadal u jeedinaysay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis.

Ilhaan ayaa sidoo kale ka jawaabtay hadallo uu madaxweyne Donald Trump ka yiri dhacdadaas, kuwaas oo uu ku muujiyay shaki, isla markaana sheegay in ay iyadu iskeed isu buufisay.

Waxay sheegtay in Trump daqiiqado ka hor weerarka si toos ah uga hadlayay, balse markii la waydiiyay arrintaas kadib uu iska fogeeyay, isagoo ku andacooday in uusan xasuusan iyada.

Ilhaan ayaa arrintaas ku tilmaantay mid yaab leh, waxayna isweydiisay in madaxweynuhu qabo xanuun la xiriira xasuusta, maadaama uu mar ka hadlay, mar kalena ku yiri “ma xasuusto” iyo “kama fikirayo.”

Dunida ayaa aad looga hadal hayaa Ninka dareeraha ku weeraray Xildhibaan Ilhan Cumar iyo sida geesinimada ah oo ay durba uga jawaab celisay.