Xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya ilaa siddeed guddoomiye guddi joogto ah iyo habdhowre ku-xigeen, ayaa maanta kulan la leh Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Xubnahan ayaa ka soo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Guddiga Joogtada, waxaana la filayaa inay kulan gaar ah la yeeshaan Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka iyo kala qeybsanaanta ka dhex jirta Guddiga Joogtada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shaqada Baarlamaanka iyo habsami u socodka howlaha sharci dejinta.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in xubnahan ay beesha caalamka la wadaagayaan baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, si looga hortago khilaaf hor leh loona xaqiijiyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Xubnahan ayaa carrabka ku adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo kaliya wadahadal iyo is-afgarad ballaaran, si loo soo afjaro muranka siyaasadeed ee soo noqnoqday.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ay jirto walaac sii kordhaya oo ku saabsan mustaqbalka hanaanka sharci dejinta iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.