Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay awood u yeelan doonaan in ay toos u toogtaan una adeegsadaan gantaallo casri ah burcad-badeedda Soomaaliya haddii ay ku soo dhowaadaan maraakiibta ku socda badaha caalamiga ah.
Trump ayaa sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada Mareykanka ee lagu ilaalinayo amniga maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka ee mara Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
“Mareykanku ma oggolaan doono in burcad-badeeddu khatar ku noqdaan ganacsiga caalamiga ah. Haddii ay ku soo dhowaadaan maraakiibta, si degdeg ah ayaa loo beegsan doonaa,” ayuu yiri Trump.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in burcad-badeeddu ay weli halis ku yihiin ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay sababeen khasaaro dhaqaale iyo mid amni. Go’aankan cusub wuxuu siinayaa ciidamada Mareykanka awood degdeg ah oo ay kaga hortagaan weerar kasta oo dhici kara.
Khabiirro amni ayaa sheegay in tallaabadan ay hoos u dhigi karto weerarrada burcad-badeedda ayna kordhin karto amniga maraakiibta ganacsiga keenina karto xiisad cusub oo ka dhalata hawlgallada militari ee badda Soomaaliya.
Go’aanka Mareykanka ayaa muujinaya sida ay u adkaaneyso la-dagaallanka burcad-badeedda iyo sida ay beesha caalamku uga go’an tahay in la ilaaliyo marinada ganacsiga ee caalamiga ah.






