Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawadeeda ka mamnuucday diyaaradda rakaabka ee Arkia Airlines, oo laga leeyahay Israa’iil, taas oo ku sii jeedday dalka Thailand, sida ay xaqiijiyeen ilo warbaahineed.

Shirkadda Arkia ayaa sheegtay in go’aanka Soomaaliya uu ku qasbay in ay beddesho jihada duulimaadyadeeda, ayna adeegsan doonto hawada dalal kale halkii ay ka mari lahayd hawada Soomaaliya.

War ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in cadaadiskan uu ka dhashay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, taas oo ay sheegtay in uu sababay falcelin siyaasadeed oo ka timid Soomaaliya.

“Waxaan beddelaynaa marinka hawada, balse duulimaadyadeennu waxba iskama beddelayaan,” ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan ay siisay wargeyska Ynetnews.

Inkasta oo ay qasab noqotay in ay ka leexdaan hawada Soomaaliya, Arkia waxay tilmaantay in wakhtiga duulimaadka wax yar kordhi karo Kharashaadka shidaalka uu sare u kici karo balse jadwalku u sii socon doono sidii caadiga ahayd.

Go’aanka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, taas oo dowladda Federaalka Soomaaliya si adag u diidday, kuna tilmaantay mid ku xadgudbaya madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Arrintan ayaa muujinaysa sida murannada siyaasadeed ay saameyn ugu yeelan karaan gaadiidka cirka iyo ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan marinnada hawada ee istiraatiijiga ah sida Soomaaliya.