Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ilaalada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo watay hub culus.

Ciidamadan ayaa loo qorsheeyay inay sugaan ammaanka Axmed Madoobe, oo la filayo inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo ay wada joogaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu shirka kaga qeyb galayo xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde, halkii uu si toos ah u tegi lahaa xarumaha rasmiga ah ee dowladda, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha wax ka beddelka dastuurka iyo habraaca doorashooyinka dalka, kuwaas oo muran xooggan ka dhex dhaliyay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

Imaatinka ciidamo hubeysan oo wata gaadiid iyo hub culus ayaa kor u qaaday walaaca dhanka ammaanka, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho jawiga shirka.

Maanta ayaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho yimaadaan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland, si ay uga qeyb galaan gogosha uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.