Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jamhuuriyadda Jabuuti, Danjire Salaad Cali Jeelle, sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda.
Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa loo magacaabay xilka Safiirnimo sanadkii 2020, xilligii ay talada haysay dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Intii uu xilka hayay, waxa uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta matalayay Soomaaliya ee wadamada deriska la ah.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta xilka looga qaaday Danjire Salaad oo siweyn looga yaqaano siyaasadda dalka Soomaaliya.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib-u-habeyn ku samaynayso hay’adaha diblomaasiyadda, si kor loogu qaado xiriirka caalamiga ah iyo matalaadda dalka ee dibadda.
Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in isbeddelkan uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo safaaradaha Soomaaliya ee dalalka caalamka.






