Xiisad dagaal oo culus ayaa saakay ka taagan deegaan lagu magacaabo Xariirad, kaas oo ku yaalla galbeedka Gobolka Awdal, kadib iska horimaad u dhexeeyay maleeshiyo hubaysan oo muddooyinkii dambe ku dagaalamayay halkaasi.
Dagaal culus oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen lix (6) qof oo labada dhinac ah, halka ay jiraan dhaawacyo tiro badan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muranka lahaanshaha dhulka iyo jiritaanka qowmiyado ku wada nool deegaanka, taas oo marar badan sababtay iska horimaadyo soo noqnoqda.
Xaalad aad u kacsan oo cabsi leh ayaa weli ka taagan galbeedka Awdal, iyadoo laga baqayo in dagaalku sii fido haddii aan si degdeg ah loo dhexgelin xal nabadeed.
Ilaa iyo hadda, maamulka Somaliland kama aysan hadlin dagaalkan, inkasta oo uu ka mid yahay colaadaha soo noqnoqday ee ka dhaca deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Awdal.
Dadka deegaanka ayaa baaq u diraya xukuumadda iyo odayaasha dhaqanka si ay u soo farageliyaan, loogana hortago in dagaalku isu beddelo mid sii baahda oo waxyeello u geysta shacabka.






