Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo katirsan Golaha Shacabka ayaa farriin adag u diray Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, xilli ay ku wajahan yihiin magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan kulamada Madasha Mustaqbalka.

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay labada hoggaamiye iyo ciidamadooda ilaalada ah inay muujiyaan feejiignaan dheeri ah, isla markaana aysan si buuxda ugu aaminin xaaladda amni ee Muqdisho. Waxa uu xusay in ay jiraan dad badan oo ku sugan caasimadda oo leh ciil, cuqdad iyo caro siyaasadeed, kuwaas oo halis keeni kara.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa yiri:

“Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Islaam iyo Siciid Deni, kusoo dhowaada magaalada Muqdisho. Mudadii aad maqneyd dalku jahwareer siyaasadeed ayuu ku jiray, waxaana laydinka filayaa inaad jid iyo jiho u furtaan idinka iyo saaxiibadiinna Madasha Mustaqbalka.”

Wuxuu intaas ku daray in Muqdisho ay horey ugu sugan yihiin:

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka

Siyaasiyiin iyo dadweyne Soomaaliyeed oo taageersan

Sidoo kale, dad leh cuqdad iyo ciil siyaasadeed

Xildhibaanku wuxuu ugu baaqay ciidanka ilaalada gaarka ah ee ka imanaya Jubaland iyo Puntland inay:
Qaataan tallaabooyin amni oo buuxa Muujiyaan feejignaan joogto ah Diyaar u ahaadaan xaalad kasta

Ugu dambeyn, wuxuu ku adkeeyay:

“Ma jirto cid aad aamintaan oo aan Alle ka ahayn. Imaada idinkoo marxalad kasta u diyaarsan.”

Hadalka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa imanaya xilli Muqdisho ay martigelinayso kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, kuwaas oo ay ka qeybgelayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.