Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliyeed loo magacaabi rabo Generaal Biixi, kaas oo hore xilkan u soo qabtay, waxaana lagu bedelayaa Janeraal Sahal Cabdullaahi oo hadda ah Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Generaal Biixi ayaa lagu xusuustaa doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dib-u-habaynta, abaabulka iyo howlgelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed markii uu ahaa taliyaha Ciidanka dhulka, xilli ay jireen caqabado dhanka amniga iyo maamulka ciidanka ah.

Ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hoggaanka milatari, lana doonayo in kor loogu qaado tayada hawlgalka ciidanka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga.

Magacaabista Generaal Biixi ayaa la filayaa inay si rasmi ah u shaaciyaan masuuliyiinta ugu sarreeya dowladda saacadaha ama maalmaha soo socda, haddii uu dhammaado habraaca loo maro xilkan.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba in soo laabashada Generaal Biixi ay horseedi karto xasilooni dheeraad ah iyo hufnaan ku timaadda ciidanka lugta, maadaama uu yahay sarkaal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh hoggaaminta.