Xukuumadda Masar ayaa si lama filaan ah u joojisay in dadka wata Baasaboorka Soomaaliyeed ay dalkaasi soo galaan, ilaa ay ka helaan Viza “Sticker” ah oo si gaar ah loogu dhajiyo baasaboorka.

Go’aankan ayaa lagu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha ka howl gala Soomaaliya, kadib markii dowladda Masar ay farriimo rasmi ah oo Email ah u dirtay, kuwaas oo si cad ugu amraya in aan la soo qaadin qof wata Baasaboorka Soomaaliyeed haddii uusan haysan Viza nooca “Sticker” ah.

Horay, muwaadiniinta Soomaaliyeed qaarkood waxay Masar ku geli jireen:

E-visa

Ama warqad oggolaansho (approval letter)

Laakiin hadda, Masar waxay ku adkeysaneysaa in qof walba oo Soomaali ah uu haysto Viza ku dheggan baasaboorka, taasoo ay shirkadaha diyaaradaha ku khasban yihiin in ay hubiyaan ka hor inta aan qofka la saarin diyaaradda.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax war ah ka hayn go’aankan, isla markaana aan wax ogeysiis rasmi ah loo soo marin Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tani waxay keentay jahawareer iyo walaac ballaaran, maadaama dad badan oo Soomaaliyeed ay hore u goosteen:

Tikidhada safarka

Hoyga

Ballamo caafimaad iyo waxbarasho

Haddana ay wajahayaan khasaaro dhaqaale iyo dib u dhac culus.

Go’aankan Masar ayaa si toos ah u saameeyay:

Arday Soomaaliyeed oo waxbarasho u aadayay Masar

Dad bukaan ah oo u socday daaweyn

Ganacsato iyo dad qoysaskooda booqanayay

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa hadda ku sugan garoomada diyaaradaha ama xafiisyada tikidhada, iyagoo la kulmaya dib u celin iyo khasaare.