Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, kaas oo warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadu ay guulo la taaban karo ka gaareen hawlgalka.
Taliyaha ayaa sheegay in la khaarajiyay horjoogayaal muhiim ah oo ku howlanaa farsameynta qaraxyada, kuwaas oo qorsheynayay falal dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in howlgalka lagu burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen walxaha qarxa, isla markaana laga helay agab ciidan iyo qalab la xiriira sameynta qaraxyada.
Taliyaha Ururka 8-aad ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro guud ahaan deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay in la xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni buuxda oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka.






