Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in amarka lagu celiyay diyaaradaha sidday ciidamada gaarka ah ee ka socday Puntland iyo Jubaland uu si toos ah uga soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in go’aankan uu sababay xiisad siyaasadeed oo degdeg ah, isla markaana Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay goordhow shir degdeg ah ka yeelan doonaan arrintan, si looga arrinsado saameynta siyaasadeed iyo amni ee ka dhalatay.

Dhanka kale, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Xamse Cabdi Barre uu toddobaadyada soo socda soo wado xil-ka-qaadis ballaaran, taasoo la sheegay inay si weyn u “gilgili doonto” masraxa siyaasadda dalka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu kaalin muuqata ku yeesho loolanka siyaasadeed ee hadda socda iyo marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ku jirto, taasoo lagu tilmaamay mid xasaasi ah.