Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira in 20 Xildhibaan oo isugu jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare laga joojiyay fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka iyo sidoo kale fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka, kaddib qalalaase culus oo ka dhacay kulan wadajir ah.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii 28-kii Janaayo, 2026, uu khilaaf iyo buuq hareeyay fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal, kaas oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Qalalaasahaasi ayaa salka ku haayay waxka bedelka Dastuurka oo Villa Somalia ay dooneyso.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu ilaalinayo nidaamka, kala dambeynta, iyo sharciga u degsan Baarlamaanka, isla markaana looga gol leeyahay in la hubiyo in fadhiyada Golaha ay ku dhacaan jawi xasilloon oo waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qalalaasihii ka dhacay fadhiga wadajirka ah. Wuxuu si adag u adkeeyay in xildhibaan kasta uu waajib ku yahay ixtiraamka anshaxa Baarlamaanka, ilaalinta kala dambeynta, iyo dhowrista sharafta hay’adda sharci-dejinta dalka.
“Xubnaha Baarlamaanka waxaa laga rabaa inay muujiyaan mas’uuliyad, isla markaana ay ka fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara haybadda iyo sumcadda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiyuhu, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu wajahayay dooddo xasaasi ah oo la xiriira arrimo qaran, kuwaas oo u baahan jawi deggan iyo wada shaqeyn buuxda.
Hakinta fadhiyada ayaa la filayaa inay socoto ilaa laga gaarayo xal rasmi ah oo lagu xaqiijinayo in kulamada soo socda ay u dhacaan si nidaamsan oo sharci ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, kana shaqeeyaan midnimo, is-ixtiraam, iyo wada shaqeyn miro-dhal ah, si loo dardar-geliyo howlaha sharci-dejinta iyo horumarinta dowladnimada dalka.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedyada Guddoonka labada Aqal











