Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay adkaysay baratakoollada amniga ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, kaddib xog sirdoon oo muujinayay khataro amni oo ka imaan kara dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo aan marin habraacyada sharciga ah.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo waajibaadka dowladda ee ku aaddan ilaalinta badqabka muwaadiniinta, sugidda amniga guud iyo ka hortagga fal kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida caasimadda.

Qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa daba socda kadib markii Maanta
diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ka yimid maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland hawada laga celiyay, xilli ay kusoo wajahnaayeen Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegaya in amarka lagu celiyay diyaaradaha uu ka yimid xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaddib markii la ogaaday in ciidamadaas aanay marin hannaan rasmi ah oo ay ku soo galaan caasimadda, isla markaana ay wateen hub aan la diiwaangelin.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga ayaa sidoo kale lagu xusay in dowladda ay heshay xog ku saabsan xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo qorsheynayay inay soo galaan Muqdisho iyagoo wata ciidamo iyo hub, taasoo aan waafaqsanayn shuruucda dalka.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in tallaabadan aysan ahayn mid siyaasadeed balse ay tahay tallaabo amni oo lagu ilaalinayo sharciyadda, nabadgelyada iyo kala dambeynta dalka.

Dowladda: “Cidna Kama Sarreyso Sharciga”
Hay’adaha ammaanka, sirdoonka iyo ciidanka booliiska ayaa lagu amray inay si buuxda u hirgeliyaan baratakoollada cusub, islamarkaana ay ka hortagaan cid kasta oo jebisa habraacyada.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in cidna aysan ka sarreyn sharciga, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga.

Screenshot