Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday in maalinta Talaadada la fulin doono xukun toogasho ah oo lagu riday Hodon Maxamuud Diiriye, oo horay loogu helay dambiga dilka marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdiraxmaan.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Puntland, lana taariikheeyay 03/01/2026, ayaa lagu sheegay in dhammaan habraacyadii sharciga la dhameystiray, isla markaana la ansixiyay fulinta xukunka dilka.

Sida ku cad go’aanka, toogashada ayaa ka dhici doonta magaalada Gaalkacyo, subaxnimada Talaadada 02/03/2026 saacadda 08:00, iyadoo la fulinayo qodobka 248-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Maxkamaddu waxay sheegtay in eedeysanaha lagu helay dambiga dilka Saabiriin Saylaan, kadib dacwad socotay muddo, iyadoo la tixraacayo xukunno hore oo ay maxkamaduhu gaareen.

Go’aankan ayaa noqonaya mid si weyn u gilgilay bulshada Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntland, iyadoo ay jiraan dad aragtida kala duwan ka qaba fulinta xukunka dilka.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan gobolka Mudug ayaa durba soo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda, iyaga oo sheegay inay yareyn doonto dilalka ka dhex dhaca Bulshada dhexdooda.