Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shir wadatashi ah oo lagu raadinayo xal rasmi ah oo lagu dhammeeyo khilaafka siyaasadeed ee jira.
Amb. Swan ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in ay fududeyso safarka iyo ammaanka madaxda labada maamul, si ay u helaan fursad buuxda oo ay kaga qeyb qaataan wada-hadallada la qorsheeyay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah xasilloonida dalka, isla markaana lagu doonayo in la abuuro jawi isfahan iyo wadashaqeyn ku dhisan, si loo xaqiijiyo midnimo siyaasadeed iyo hirgelinta hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Amb. Swan ayaa xusay in wada-hadalladu yihiin dariiqa kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay tanaasul, ixtiraam iyo kalsooni dhexmarta dhinacyada.
Dhanka kale, weli si rasmi ah ugama jawaabin Puntland iyo Jubbaland baaqa ka yimid Qaramada Midoobay, balse ilo dhowr ah ayaa sheegaya in wada-tashiyo ay ka socdaan dhinacyadaasi.
Ugu dambeyn, beesha caalamka ayaa mar kale muujisay taageeradeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya iyo in xal waara lagu gaaro wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.






