Waxaa maanta lagu wadaa in Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Aqal ay yeeshaan fadhi xasaasi ah oo lagu falanqeynayo cutubyo ka tirsan Dastuurka KMG ah, kaddib qalalaase xooggan oo ka dhashay kulan toddobaadkii hore.

Fadhigii hore ayaa ku dhammaaday muran iyo gacan ka hadal dhex maray xubno ka tirsan labada Aqal, taasoo sababtay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ay soo saaraan go’aan adag.

Go’aankaas oo shalay kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu hakiyay ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka xubno ka tirsan labada Aqal, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen rabshaddii ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaano ka mid ah kuwa go’aanka lagu saameeyay ayaa xalay shir degdeg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si cad uga hor yimaadeen amarka Guddoomiyaha, iyagoo sheegay in aysan aqbalayn in laga hor istaago waajibaadkooda dastuuriga ah.

Xildhibaanadaas ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in maanta ay tegi doonaan xarunta Baarlamaanka, kana qeyb geli doonaan fadhiga, inkastoo ay taagan tahay xaalad kacsanaan ah.

Dhanka kale, maalmahan dambe waxaa socday abaabul siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaano mucaaradsan sida uu Guddoomiyaha u maamulayo howlaha Golaha. Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in mooshin ka dhan ah Guddoonka la diyaariyay, balse aan weli si rasmi ah loo horgeyn.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka, taas oo si weyn u kala qeybisay mudanayaasha Baarlamaanka iyo hoggaanka sare ee dowladda.