Warbaahinta dalka Pakistan ayaa baahisay in wadahadallo rasmi ah ay ka socdaan magaalada Islamabad, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladda Pakistan, kuwaas oo ku saabsan suurtagalnimada in Soomaaliya ay hesho diyaaradaha dagaalka ee nooca JF-17 Thunder.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in wafdi sare oo ka socda DFS, oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, uu haatan ku sugan yahay Islamabad, halkaas oo ay kulammo la leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda difaaca Pakistan iyo shirkadaha soo saara diyaaradaha militariga.
Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid la xiriira dadaallada ay DFS ku doonayso in ay ku xoojinayso awoodda difaaca dalka, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, oo burbur xooggan soo gaaray tan iyo dagaalladii sokeeye.
Diyaaradda JF-17 Thunder ayaa ah mid ay si wadajir ah u sameeyeen Pakistan iyo Shiinaha, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah, iyadoo hore uga qeyb gashay howlgallo militari oo ka dhacay gobolka Kashmir, intii uu socday khilaafka u dhexeeyay Hindiya iyo Pakistan.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ay si wadajir ah u soo saareen labada dowladood, balse ilo-wareedyo ayaa sheegaya in wadahadalladu weli socdaan, islamarkaana laga yaabo in faahfaahin dheeraad ah la helo maalmaha soo socda.






