Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay baaritaan ku wadaan saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka oo lagu eedeeyay inay dadka ku aflagaadeeyaan baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in talisku si dhab ah ula tacaalayo arrintan, islamarkaana aan la aqbali doonin in askar Booliis ah ay ku xadgudbaan anshaxa iyo sharciga.

“Waxaan wadnaa baaritaan ku saabsan saraakiil iyo askar lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku aflagaadeeyaan muwaadiniinta. Cid kasta oo lagu helo arrintan tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in natiijada baaritaanka la shaacin doono isbuucan gudihiisa, si bulshada loogu muujiyo in tallaabo dhab ah laga qaadayo cid kasta oo ku xadgudubta sharciga, isla markaana loogu noqdo tusaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay si weyn u bateen dadka ku caan baxay aflagaadeynta iyo kicinta bulshada ee baraha bulshada, gaar ahaan TikTok. Maalmihii la soo dhaafay, hay’adaha ammaanku waxay xireen shaqsiyaad caan ka ahaa barahaas, oo ay ka mid yihiin Garyaqaan iyo You Boss, kuwaas oo lagu eedeeyay aflagaado iyo hadallo kicin ah.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay ka fogaadaan faafinta hadallo dhaawacaya sumcadda dadka iyo xasilloonida bulshada.