Waxaa maanta buuq xooggan iyo gacan ka hadal kooban uu ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay doonayeen in ay ku shiraan qaar kamid ah xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ay durba buuq ka billaabeen gudaha hoolka shirarka, iyaga oo diidan furitaanka kulanka labada Aqal ee la doonayo in looga doodo waxka bedelka curubto kamid ah dastuurka, balse ay wajahaan ciidamo boolis ah oo aad u fara badan oo dowladda geysay halkaasi.
Intii ay xaaladdu kacsaneyd ayaa gacan ka hadal kooban uu dhexmaray qaar kamid ah xildhibaannada iyo ciidamada amniga, taas oo keentay in uu dhaawac lugta ah kasoo gaaro Xildhibaan Cadar Xareed Jibriil, sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan goobta.
Qaar kamid ah xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay ciidamada booliska inay u jeediyeen hanjabaado culus, iyagoo sheegay in askartu ku goodiyeen inay dili doonaan ama xoog ku kala eryi doonaan haddii ay sii wadaan isku dayga baajinta kulanka.

Waa Sawirka Xdhibaanka dhaawacmay







