Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga saaray ciidamadii booliska ee halkaas loo keenay, kaddib markii ay gacan ka hadal la galeen qaar ka mid ah xildhibaannada, taasoo sababtay dhaawac soo gaaray Xildhibaan Cadar.
Wararka laga helayo gudaha xarunta ayaa sheegaya in ciidamadu ay u joogeen hoolka si ay u kala xakameeyaan buuq iyo khilaaf ka dhex taagnaa xubnaha Baarlamaanka, balse xaaladdu ay faraha ka baxday, taasoo keentay in gacan ka hadal kooban uu dhex maro labada dhinac.
Intii ay socotay qalalaasahaas, Xildhibaan Cadar ayaa la sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray lugta, waxaana si degdeg ah loogu qaaday goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo.
Goobjoogayaal ayaa tilmaamaya in kaddib dhacdadaas, lagu amray ciidamadii booliska in ay ka baxaan gudaha xarunta, si loo dejiyo xaaladda oo markaas aad u kacsaneyd.
Ilaa hadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare midkoodna kama soo muuqan goobta, iyadoo aan weli si rasmi ah looga hadlin sababta keentay gacan ka hadalka iyo tallaabooyinka laga qaadi doono.
Xaaladda gudaha Xarunta Golaha Shacabka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka siyaasadeed ee jira uu sii xoogeysto haddii aan xal degdeg ah la helin.






