Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa labo ruux ku dishay, mid kalena ku dhaawacday, kaddib weerar ka dhacay aagga deegaanka Warxoolo ee gobolka Galgaduud.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dilkan loo sababeynayo aanooyin qabiil oo salka ku haya muran dhuleed, kuwaas oo muddooyinkii dambe ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Galmudug.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo cabsi laga qabo in rabshaduhu sii fidaan, maadaama ay labada dhinac ee colaaddu ka dhaxeysu hubeysan yihiin.

Ilaa hadda, laamaha amniga iyo madaxda Galmudug kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka ama kan Galmudug.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, deegaannada Galmudug ayaa wajahaya koror ku yimid colaad beeleedyada, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo mid hantiyeed, isla markaana halis geliyay xasilloonida guud ee gobolka.

Dadweynaha deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo waxgaradka in ay si degdeg ah u farageliyaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya loona helo xal waara.