Kulankii wadajirka ahaa ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa maanta ku soo dhammaaday buuq iyo gacan ka hadal, kaddib markii xildhibaano ka tirsan mucaaradka labada Aqal ay fureen buuq xooggan, taasoo keentay in uu dhex maro gacan ka hadal u dhexeeya xildhibaano iyo ciidamo ka tirsan Booliska.
Intii ay xaaladdu taagnayd, waxaa dhaawac soo gaaray Xildhibaan Cadar Xareed, kaasoo sida la xaqiijiyay loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo markii dambe soo galay gudaha Xarunta Villa Hargeysa, ayaa diiday in warbaahinta gudaha la geliyo hoolka, taasoo sii kicisay xiisadda. Sidoo kale, makarafoonadii Golaha ayaa la burburiyay, arrintaas oo gabi ahaanba suurtagelin weyday in kulanka maanta furmo.
Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in la saari doono guddi baaritaan si ay u baaraan wixii maanta dhacay, isla markaana looga soo saaro warbixin rasmi ah.
Tani waa markii labaad oo uu fashilmo kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal, iyadoo Dowladda Federaalka ay doonaysay in kulankan looga doodo wax ka beddelka dastuurka, halka mucaaradku ay si adag uga soo horjeedaan arrintaas.






