Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa si cad u beeniyey warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu amar ku bixiyay in la dhaawaco xildhibaannada ka tirsan Golaha.

Habdhowraha ayaa sheegay in aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya in Guddoomiyuhu yiri hadallo ay ka mid yihiin “hala dhaawaco xildhibaanada” ama “qoorta hala qabto”, isagoo tilmaamay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Xildhibaanada sheegtay in la dhaawacay weli si rasmi ah looma hubin, mana jirto wax naga soo gaaray oo caddeynaya in Guddoomiyaha uu bixiyay amar ah in la waxyeelleeyo,” ayuu yiri Habdhowre Nuux.

Sidoo kale, Habdhowraha ayaa sheegay in uu qorsheynayo inuu booqdo xildhibaanada la sheegay in ay ku dhaawacantay dhacdadii ka dhacday xarunta Villa Hargeysa, si uu ugu kuurgalo xaaladeeda caafimaad.

“Waxaan tagi doonaa isbitaalka si aan u booqdo xildhibaanada, baaritaan rasmi ahna waan sameyn doonaa. Haddii la xaqiijiyo in askari si sharci-darro ah u dhaawacay xildhibaan, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay kacsan tahay xaaladda Golaha Baarlamaanka, kaddib buuq iyo gacan ka hadal ka dhacay xarunta Golaha, taas oo dhalisay dhaawacyo iyo muran siyaasadeed.

Laamaha amniga iyo Guddoonka Golaha ayaa la filayaa in ay soo saaraan war rasmi ah oo ku saabsan natiijada baaritaanka socda.