Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay waaberigii, xilli salaadda Subax lagu jiray, ay diyaaradaha dagaalka Turkiga duqeyn culus ka fuliyeen goobo lagu tuhunsanaa inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Geedi-Xeeyr, gaar ahaan aagga loo yaqaano Quracda Ruum Idiris, halkaas oo la sheegay in diyaaradaha ay rideen ugu yaraan saddex gantaal oo si bartilmaameed ah u dhacay, kuwaas oo ku kala dhacay waqtiyo kala duwan.
Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Federaalka Soomaaliya ama taliska ciidanka, mana la xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, ha ahaado mid naf iyo maalba leh.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha F-16 ee ay leeyihiin ciidamada Turkiga, kuwaas oo dhowaan la keenay dalka si ay uga qayb qaataan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale, warar ayaa tilmaamaya in diyaaradahaas lagu arkay hawada sare ee Magaalada Muqdisho kadib markii ay soo gabagabeeyeen howlgalkooda.
Weli lama helin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab, waxaana xaaladda deegaanka ay tahay mid kacsan, iyadoo la sugayo faahfaahin dheeraad ah oo rasmi ah.






