Dadaallo xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay u socday sidii dib loogu soo nooleyn lahaa gogosha wadahadallada u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ah ee ay kamid yihiin Puntland iyo Jubaland.

Waan-waanta ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii Beesha Caalamka ay walaac iyo niyad-jab ka muujisay tallaabadii lagu celiyey diyaaradihii siday wafdiga horudhaca ahaa ee kasoo ambabaxay magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ku wajahnaa caasimadda Muqdisho. Arrintaasi waxay sidoo kale sababtay in dib u dhac ku yimaado shirkii la qorsheeyey in uu qabsoomo 1-da Febraayo 2026.

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegaysa in haatan diiradda la saarayo xalinta is-faham la’aanta ka dhalatay dhacdadaasi, iyo weliba in la helo meel ay dhinacyadu ku kulmaan oo ay wada-hadalladu si nabad ah uga dhacaan.

Illo-wareedyo ku dhow geeddi-socodka wadahadallada ayaa tilmaamaya in gorgortanka ugu weyn uu ku saabsan yahay kalsoonida dhinacyada, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi sahli kara in wada-xaajood dhab ah la galo.

Ajendaha la filayo in miiska la saaro waxaa ugu muhiimsan:

Khilaafka ka taagan wax ka beddelka Dastuurka

Nooca iyo qaabka doorashada la filayo in dalka ka dhacdo

Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan tanaasul iyo biseyl siyaasadeed, si loo badbaadiyo fursadda wadahadal, loogana hortago xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka ama maamul goboleedyada mucaaradka ah oo si faahfaahsan uga hadlay halka uu marayo wada-hadalka, balse dadaallada socda ayaa rajo gelinaya in xal laga gaari karo khilaafka taagan.