:Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku caddeysay in ay si buuxda uga go’an tahay mas’uuliyadda qaran, ilaalinta midnimada dalka, wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta hannaanka wada-tashi ku dhisan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda ay mar kale adkaynayso sida ay uga go’an tahay in ay gogosha wadahadallada u dhexaaya DFS iyo Golaha Mustaqbalka ay fidsan tahay, si loo xalliyo khilaafaadka jira loona gaaro heshiis waara oo ku saleysan danaha qaranka.
Dowladdu waxay sheegtay in dhammaan habraacyadii farsamo ee loo baahnaa la diyaariyey, si wada-hadallada loogu gudbo si rasmi ah, balse ay nasiib darro tahay in dadaalladaasi fashilmeen 1-da Febraayo 2026, kadib markii uu yimid caqabad ka timid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka horudhac u aheyd diyaarado waday laga celiyay Hawada Muqdisho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay in ay weli go’an tahay in dhammaan arrimaha jira lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo ixtiraam ku dhisan danta guud.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in xalka waara uu ku jiro wada-tashi, ilaalinta xaquuqda muwaadiniinta, iyo horumarinta midnimada iyo danta guud ee dalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan xubnaha ku lugta leh geeddi-socodka wadahadalka in ay muujiyaan mas’uuliyad qaran, si loo xaqiijiyo nabadda, wada-jirka, iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.







