Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu maamuusayay laguna sagootinayay Kaaliyihii hore ee Amniga NISA, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday Taliska Guud ee NISA ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay qaddarinta iyo mahadcelinta ay u hayaan kaalintii muuqata ee Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar ka soo qaatay sugidda amniga qaranka intii uu xilkaasi hayay.

Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka, daacadnimada iyo naf-hurnimada uu sarkaalkaasi ku bixiyay waajibaadkiisii shaqo. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday, isla markaana uu sii wado adeegga uu u hayo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar lagu guddoonsiiyay Shahaado Sharaf, taas oo lagu maamuusayay doorkii wax ku oolka ahaa iyo shaqadii naf-hurnimada lahayd ee uu ka soo qabtay amniga iyo difaaca qaranka.