Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u magacaabay Agaasime kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayeynta iyo hufnaanta shaqada hay’adaha Dowladda iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta iyo maamulka dowliga ah.

Zakariye waxa uu ka soo shaqeynayey Madaxtooyada Qaranka muddo gaaraysa 10 sano, isagoo soo qabtay masuuliyaado kala duwan oo ay ugu danbaysay in uu ahaa Xogheynta Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda.