Kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho fagaare ah ku fulisay 10 dhalinyaro ah oo ku kala sugnaa magaalooyinka Bu’aale iyo Kuunya Baroow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka laga helayo magaalada Bu’aale ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay shacabka isugu yeertay fagaare ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo lagu soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo kooxda ay ku eedeysay inay ahaayeen “jaajuusiin”.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in shantaasi dhalinyaro ah isla goobtaas lagu toogtay, kadib markii lagu dhawaaqay eedeymaha loo jeediyay.

Sidoo kale, fagaare ku yaalla magaalada Kuunya Baroow ayaa lagu toogtay shan dhalinyaro ah oo kale, kuwaas oo Al-Shabaab ku eedeysay inay la shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in toogashadaasi ay ka dhacday meel ay dadweyne badan ku sugnaayeen, iyadoo dilkaasi lagu fuliyay si fagaare ah.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowr jeer oo hore ay Al-Shabaab toogashooyin la mid ah ka fulisay deegaanno ka tirsan gobollada Koonfurta Soomaaliya. Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii shan dhalinyaro ah lagu toogtay magaalada Jilib, iyadoo markaasna lagu eedeeyay jaajuusnimo.

Dilalkan fagaare ah ayaa sare u qaaday cabsi iyo walaac ka jira deegaannada ay maamusho Al-Shabaab, iyadoo dhacdooyinkan ay kusoo noqnoqdeen gobollada ay ku sugan yihiin.