Wararka naga soo gaaray deegaanka Baaldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dileen wiil yar oo 7 jir ah, islamarkaana ay si xun u dhaawaceen aabihii dhalay.

Warar madax-bannaan oo la xaqiijiyay ayaa tilmaamaya in qoyska la weeraray ay ahaayeen xoolo-dhaqato kasoo jeeda Degmada Cadaado, kuwaas oo ku sugnaa Baaldheer xilli uu weerarku dhacay.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee kooxda Al-Shabaab u beegsatay qoyskaas rayidka ah, iyadoo falkaasi uu si weyn u gilgilay dadka deegaanka.

Dhanka kale, maamulka Galmudug iyo hay’adaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadan, waxaana socda baaritaanno ku aaddan weerarka.

Shacabka ku nool deegaanka Baaldheer ayaa muujiyay cabsi iyo caro xoogan, iyagoo ugu baaqay dowladda in ay si deg-deg ah u xoojiso ammaanka, isla markaana ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha falalka arxan darrada ah ku haya dadka rayidka ah