Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si rasmi ah u sii daayay Senator Ilyaas Badal Gaboose, oo u xirnaa tan iyo dib u doorashadii Madaxweynaha, taas oo ah tallaabo loo arkay mid lagu xoojinayo wadahadalka iyo dib u heshiisiinta siyaasadeed.
Sii deynta Senator Ilyaas ayaa timid kaddib cadaadis iyo baaqyo badan oo uga imaanayay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo ku baaqayay in la furo waddo cusub oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa Jubaland.
Kadib sii deyntaas, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa martigeliyay kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, kaas oo looga hadlay sidii loo mideyn lahaa bulshada Jubaland loogana gudbi lahaa kala qeybsanaanta siyaasadeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray danta guud, nabadda iyo wadajirka shacabka, iyadoo dhammaan dhinacyadu isla garteen in maslaxadda dadka reer Jubaland ay ka sarreyso wax kasta oo kale.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladdiisu diyaar u tahay tanaasul ballaaran si loo xaqiijiyo midnimo buuxda, isagoo xusay in dhammaan kala aragti duwanaanta lagu xallin doono waddo kasta oo nabadeed.
Dhankooda, Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi ayaa muujiyay inay taageerayaan dadaallada nabadda iyo midnimada, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay door muuqda ka qaadan doonaan dib u heshiisiinta.
Ugu dambeyn, hoggaamiyeyaasha ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo shacabka guud ahaan in ay taageeraan geeddi-socodkan cusub ee lagu xaqiijinayo xasillooni, wadajir iyo mustaqbal waara oo Jubaland ah.






