Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa lagu dilay weerar ballaaran oo ay fuliyeen dalalka Israa’iil iyo Marrykanka, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda Iran subaxnimadii Axadda. Geeridiisa ayaa mugdi gelisay mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isla markaana sare u qaaday khatarta xasillooni-darro ka dhalata gobolka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay dhimashada Khamenei saacado ka hor intaan warbaahinta Iran xaqiijin, isaga oo sheegay in tani ay siinayso shacabka Iran “fursaddii ugu weynayd” ee ay dalkooda dib ugu hanan karaan.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in hoggaamiyaha 86-jirka ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday xaruntiisa ku taalla bartamaha magaalada Tehran. Sawirro dayax-gacmeed oo ay qaaday shirkadda Airbus ayaa muujiyay in goobtaasi si xooggan loo duqeeyay.

Telefishinka qaranka ayaa sheegay in geeridiisa ka dhacday xafiiskiisa ay “caddeyn u tahay inuu mar walba shacabka dhex joogay, isla markaana uu hormuud ka ahaa gudashada waajibaadkiisa, isagoo wajahaya waxa mas’uuliyiintu ugu yeeraan kibirka caalamiga ah.”

Dhankiisa, Trump ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku yiri: “Khamenei, mid ka mid ah dadka ugu sharta badan taariikhda, waa dhintay.” Wuxuu sidoo kale ka digay “duqeymo culus oo bartilmaameed ah” oo uu sheegay inay socon doonaan toddobaadka oo dhan iyo xitaa wixii ka dambeeya, taasoo qayb ka ah weerar uu Mareykanku ku sababeeyay in lagu wiiqayo awoodda nukliyeerka Iran.

Weerarkan ayaa furay bog cusub oo lama filaan ah oo ku saabsan faragelinta Mareykanka ee Iran, wuxuuna sare u qaaday suurtagalnimada aargoosi iyo dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa. Tallaabadan ayaa sidoo kale muujisay awood milatari oo xooggan oo uu adeegsaday madaxweyne ku yimid talada isagoo ku ololeynayay hal-ku-dhigga “America First” isla markaana ballanqaaday inuusan ku lug yeelan doonin “dagaallo aan dhammaad lahayn.”

Dilka Khamenei — oo ahaa weerarkii labaad ee ay maamulka labaad ee Trump ku qaadaan Iran muddo siddeed bilood gudahood ah — ayaa la filayaa inuu abuuro faaruq hoggaamineed, maadaama uusan jirin beddel si rasmi ah loo yaqaan. Intii uu xilka hayay tobannaan sano, Khamenei wuxuu lahaa go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan siyaasadaha waaweyn, wuxuuna hoggaaminayay hay’adaha wadaaddada iyo ciidanka Ilaalada Kacaanka, oo ah labada tiir ee ugu awoodda badan nidaamka diimeed ee ka taliya Iran.