Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo si rasmi ah u ansixiyay cutubyada 5aad ilaa 15aad ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay in 186 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare — mid kamid ahna uu ku codeeyay hab online ah ay oggolaadeen wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in tiradaasi ay ka dhigan tahay in wax-ka-beddelku uu si sharci ah ku ansaxay.
Xildhibaannada ayaa si wadajir ah ugu codeeyay wax-ka-beddelka lagu sameeyay qodobada 5aad ilaa 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, tallaabadaas oo qeyb ka ah dib-u-eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, wax-ka-beddelkan ayaa wajahaya mucaaradad xooggan. In ka badan 70 mudane oo ka tirsan labada Aqal ayaa si cad uga soo horjeestay ansixinta cutubyadan.
Sidoo kale, siyaasiyiin mucaarad ah oo ay kamid yihiin madaxda dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u muujiyay diidmo la xiriirta habka iyo nuxurka wax-ka-beddelka Dastuurka.
Arrintan ayaa la filayaa inay sii huriso doodaha siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo sida loo xaqiijin karo wada-tashi buuxa oo loo dhan yahay.






