Dadka bannaanbaxaya ayaa ku andacoonaya in dhulkooda ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka iibisay ganacsato gaar ah, iyaga oo aan helin wax magdhow ah ama xal kale oo ay ku noolaan karaan.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in ciidamo boolis ah la geeyay halkaasi saaka aroortii, kuwaas oo bilaabay burburinta guryaha iyo dhismayaasha yaalla dhulka la isku haysto, taasoo sii kicisay caro xooggan oo ka dhex dhalatay shacabka deegaanka.
Dadweynaha ayaa xiray waddada weyn ee isku xirta Suuqa Xoolaha iyo xaafadaha kale, waxaana istaagay isku socodkii gaadiidka iyo ganacsigii aaggaasi.
Qaar ka mid ah dadka bannaanbaxayaasha ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii wadaan mudaharaadka ilaa laga joojinayo burburinta laguna soo celinayo xuquuqdooda dhuleed.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ama Dowladda Federaalka oo ku saabsan dhacdadan, balse xaaladda goobta ayaa weli ah mid kacsan, iyada oo ay xusid mudan tahay in Ciidamada dowladda ay horay u burburiyeen dhulal badan oo ku yaalla Caasimadda.






