Ciidamo wata cagaf-cagafyo ayaa maanta burburin ballaaran ka fuliyay Xaafadda Jaamacadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku burburiyeen guryo iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad shacab ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in hawlgalkan uu si kedis ah ku bilowday, iyadoo aan wax digniin ah horay loo siin dadka deegaanka, taasoo keentay in dad badan ay waayaan hoygoodii iyo Ganacsigoodii ay ku tiirsanaayeen nolol maalmeedkooda.
Dadkii ay saameynta ku yeelatay ayaa sheegay in dhulalkan horey ay dowladdu lahayd, balse muddo dheer ay deganaayeen shacab, islamarkaana qaarkood ay iibsadeen si sharci ah ama heshiisyo ku saleysan.
“Wax digniin ah nalama siin. Hal mar ayaan arkay cagaf-cagafyo iyo ciidamo burburinaya guryaheennii,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in horey loo burburiyay dhulal kale oo dowladdu sheegatay inay leedahay, balse ay deganaayeen shacab, halka ganacsato kale lagu eedeeyay inay dhulkaas si gaar ah uga iibsadeen ama uga faa’iideysteen.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha dowladda ee arrintan ku saabsan, balse dadka deegaanka ayaa dalbanaya in la joojiyo burburinta, lana helo xal sharci ah oo lagu ilaaliyo xuquuqdooda.
Falalkan ayaa sii kordhinaya walaaca laga qabo barakaca shacabka, gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku nool xaafadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, iyada oo dowladu dhegaha ka fureysatay cabashada Shacabka.







