Wakiillo ka socday Beesha Caalamka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Madoobe, iyagoo kala hadlay arrimo la xiriira wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in wakiillada caalamiga ah ay muujiyeen walaac ay ka qabaan go’aannada hal dhinac ah ee wax looga beddelayo Dastuurka, kuwaas oo ay sheegeen in ay keeni karaan kala fogaansho iyo xasarad siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa xustay in loo baahan yahay in hoggaanka Baarlamaanka uu qaato doorkiisa mas’uuliyadeed, isla markaana laga shaqeeyo mideynta dhinacyada siyaasadeed ee dalka, halkii laga abuuri lahaa kala qaybsanaan hor leh. Waxay si gaar ah u tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la dhowro wada shaqeynta iyo wada-tashiga xubnaha Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa lagu xasuusiyey in muddada xil-heyntiisa ay gabagabo ku dhowdahay, loona baahan yahay in la dardargeliyo hawlaha horyaalla si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada dalka u yaalla.

Dhankiisa, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in geeddi-socodka wax ka bedelka Dastuurka uu yahay mid ka socda dhanka Madaxtooyada, isla markaana uusan isagu lahayn furista ama hoggaaminta doodahaas. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Golaha Shacabka uu gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo sida loo wajahayo is-afgaradka siyaasadeed ee dalka.