Beesha Jaaljecel ayaa kulan aan caadi ahayn isugu timid, si ay uga arrinsato xiisadda dagaal ee ka taagan degaanka Yaaqbariweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Cismaan Barre.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha dhaqanka ee Beesha Jaaljecel, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen Ugaaska Guud ee Beesha, Ugaas Cabdiraxmaan, Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Muxumed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hoggaanka iyo waxgaradka Beesha.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay:
Xaaladda guud ee dalka
Midnimada iyo wadajirka Beesha
Xallinta khilaafka ka taagan Yaaqbariweyne
Arrimaha la xiriira amniga iyo dagaallada ka jira deegaannada qaar
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Cismaan Barre, ayaa sheegay in kulanku ku dhammaaday is afgarad iyo wanaag, isla markaana la isla gartay in la qaado tallaabooyin nabadeed oo lagu xallinayo xiisadda, laguna ilaalinayo midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada.
“Alle mahaddiis, kulankii wuxuu ku dhammaaday is afgarad iyo wanaag,” ayuu yiri Cismaan Barre, isagoo intaa ku daray in Beesha ay ka go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato nabadeynta iyo xasilloonida deegaannada ay dhibaatadu ka jirto.
Ugu dambeyn, Beesha Jaaljecel ayaa ku baaqday in la joojiyo colaadda, lana doorto wadada wada-hadalka iyo nabadda, si loo badbaadiyo shacabka ku nool degaanka Yaaqbariweyne iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.






